Gulufka ciidan ee ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gobolka Shabellaha Dhexe ka wada hawlgal ballaran, iyadoo hawlgalka uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in hawlgal gaar ahi oo ka dhacay deegaanka Gal Bashiir lagu dilay shan iyo toban ka mida maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hawlgalka lagu dhaawacay labaatan xubnood oo kale, isla-markaana ay ciidanka kula wareegeen hubkii ay xubnahaasi lahaayen.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in hawlgalka uu yahay mid Shabaabka looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Jananka ayaa intaa ku daray in hawlgalkan uu ka sii socon doono gobolkaasi, wixii faah faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dhanka kale hawlgal kale oo ka dhacay deegaanka Galka Xaraarey ayay Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegeen deegaankaasi. Saraakiishuna waxay sheegeen inay ku dileen toddobo iyo soddon ka mida maleeshiyada Al Shabaab, halka laba kalena ay nolosha ku qabteen.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi ayaa sheegay in dardar ku socdo hawlgalka lagu burburinayo saldhigyada Al Shabaab.

Hawlgalkan ka socda deegaanada dhaca Bariga Magaalada Jowhar ayaa ka duwan hawlgaladii hore.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com