Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay hirgelinta heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, ee Khamiistii lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyay Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay qabsoomidxa doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in lixdanka maalmood ay haystaan, ay doonayaan inay dalka kaga qabtaan doorashadii lagu heshiiyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegaya in amniga doorashada ay iska kaashan doonaan xafiikiisa, Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Rooble ayaa xusay inay Dowladda Federaalka muhiim u tahay kaalmada lagama maarmanka ee Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka u joogga ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha, iyagoo ballanqaaday taageeridda dhaqangelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com