Somaliya oo hirgelinaysa xarun diyaaradaha lagu cilad bixiyo (SAWIRRO)

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho looga hirgelinayo xarun lagu cilad bixiyo diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta dhagax dhigay xarunta cusub ee laga hirgelinayo garoonka dalka ugu weyn.

Munaasabadda dhagax-dhiga oo ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qaybteed.

Hay’adda Caalamiga Duulista Hawada (ICAO) ayaa horey shuruud ugu xirtay in Somaliya ay xaruntani hirgeliso, si loogu ogolaado inay diiwaangeliso diyaaradaha, hay’aduna ay kormeer ugu timaado dalka.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ganacsato Soomaaliyeed ay maalgeliyeen dhismaha xaruntani, halka Hay’adda Duulista ay dhanka shuruucda dejisay, isla-markaana aanay hadda ka dib jiri doonin diyaarado lagu soo celiyo bixiyo dibadda.

Waa markii ugu horeysay oo muddo soddon sano ahi xarun noocani oo kala ah laga hirgeliyo dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com