Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa xil ka qaadista Wasiirka ku sababeeyay xil gudasho la’aan iyo howlaha shaqo ee baaxad leh ee horyaala Wasaaradaasi.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Kuxigeenka ayaa xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel, xilli aanay jirin cid kale oo booskaasi loo magacaabay amaba si ku-meel-gaar ahi loogu dhiibay.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida Golaha Wasiirada Galmudug ee ugu saamaynta badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com