Cali Daahir Ciid oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Dhuusamareeb, maalin ka dib markii uu xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Axmed Cismaan Aadan ayaa Madaxweyne Kuxigeenka ku soo dhaweeyay Xarunta Wasaaradda.

Wasiir Kuxigeenka ayaa Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug uga warbixiyay howlaha ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa soo kormeeray xafiiskii uu ku hawlgelayay Wasiir Cabdi Waayeel, isagoona muuqaalo isaga soo qaaday, soona dhigay bartiisa Facebook.

Sabtidii ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha, iyadoona xil ka qaadistiisa lagu sababeeyay xil gudasho la’aan.

Cabdi Waayeel oo saacado ka dib xil ka qaadistiisa la hadlay Warbaahinta ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadistaasi lagu sameeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com