Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Koonfurta Itoobiya

Maxbuus u dhashay dalka Itoobiya ayaa calooshiisa lagu arkay wax layaab leh, ka dib markii uu xanuunsaday, loona qaaday isbitaal ku yaala Magaalada Arba Minch ee Koonfurta Wadanka Itoobiya.

Maxbuuskan oo aan magaciisa la sheegin, balse toddobo sano ku xukunaa ayay dhakhaatiirta calooshiisa ku arkayn waxyaabo aan jirka bani’aadamka looga baran, sida inay calooshiisa ku jiraan masaabiir, cirbad, dun, qalimaan iyo biro.

Qaliin lagu sameeyay ayaa lagu guuleystay in looga soo saaro dhammaanba wixii calooshiisa ku jiray.

Ma cadda waxa intaan oo shay calooshiisa geliyay, hase yeeshee Agaasimaha Isbitaalka Arba Minch, Temesgen Teshome ayaa sheegay inay u maleynayaan inuu bukaanka dhimirka ka xanuunsanayo, inkastoo uu weli baaritaanku socdo, sida uu yiri.

Agaasimaha ayaa BBC u sheegay in dheef-shiidka bukaanka uu istaagay, loona baahday in qaliin deg-deg ahi lagu sameeyo.

Dhacdadan ayaa noqotay midda toddobaadkan loogu hadalhaynta badan yahay dalkaasi Itoobiya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com