Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Wasiiro ah

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi heer Wasiiro ah oo qiimeeya caddeymaha Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Guddigan ayaa waxay shaqadooda ugu weyn tahay inay soo caddeeyaan waxa ka jira eedeymaha sheegaya in Guddiga Doorashooyinka ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo shaqaale ka kala tirsan Xafiisyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horey uga horyimid Xubnaha Guddiga Doorashooyinka qaarkood, kuwaa oo ay dalbadeen in la bedelo.

“Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha Xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto, sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Warka laguma sheegin magacyada iyo inta xubnood ay Guddiga Wasiirada ka kooban yihiin.

Heshiiskii maalintii Khamiista ay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ku saxiixeen Xerada Afisyooni ayaa waxaa ku jiray qodob ay Dowlad Goboleedyada ugu soo gudbinayaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xubnaha Guddiga Doorashada ee cabashada laga qabo, waxaana khasab ah in la bedelo, haddii la xaqiijiyo, sida ku cad heshiiska.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com