SAWIRRO: Bannaanbixii ballaarnaa ee ka dhacay Addis Ababa

Bannaanbaxayaal taageersan Dowladda Itoobiya ayaa maanta Magaalada Addis Ababa ka dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedaan fara-gelin ay sheegeen in shisheeyuhu uu ku hayo dalkaasi.

Bannaanbaxayaasha ayaa ku qaylinayay ereyo ka dhan ah Mareykanka, oo toddobaadkii hore iclaamiyay inuu xayiraado dhanka socdaalka ahi ku soo rogayo Saraakiil ka tirsan Itoobiya, sidoo kalena xadiday kaalmadii dhaqaale iyo amni ee dalkaasi uu siin jiray.

Mareykanka ayaa Ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ku eedeeyay inay gabood-falo ka dhan ah aadanaha ka gaysteen Gobolka Tigray, kuna baaqay in Ciidamada Eritrea laga saaro gobolkaasi.

Bannaanbaxayaasha qaarkood ayaa watay sawirrada Madaxweyneyaasha Ruushka Vladimir Putin iyo Shiinaha Xi Jinping, oo ka dhigan inay taageero u hayaan dalalka ay aad u xifaaltamaan Mareykanka.

Bannaanbaxaan oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Duqa Magaalada ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan toban kun oo qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com