Wararkii ugu dambeeyay doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay si weyn ugu diyaargaroobeen Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qalabkii doorashada la geeyay dhammaan goobaha codbixinta, isla-markaana ay ku diyaarsan yihiin shaqaalihii iyo ciidamadii amnigaba.

“Maanta iyo shalay oo Sabti ahayd waxaanu qabaneynay laba howlood. Howli waxa weeye qalabkii codbixinta, ciidamadii nabadgelyada iyo shaqaalihii ayaa waxay ku sii socdeen dhammaan gobolada iyo degmooyinka, dhammaantood xalay goobahoodii bay wada jooggeen iyagoo diyaarsan ciidamadii iyo shaqaalihiiba, oo marka leesku geeyo ka badan dhowr iyo labaatan kun oo qof oo hawlgalay, nabadgelyo bayna ku gaareen, waa wax Ilaahay lagu mahdiyo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Biixi ayaa xusay inay Somaliland soo gaareen madax badan iyo ururo ka kala socda dunida, si ay korjoogto uga noqdaan doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi ayaa dadweynaha ugu baaqay inay si nabadgelyo leh ku codeeyaan, isagoo dhanka kalena sheegay in si miyir leh loo xaliyo, haddii ay soo baxaan khilaafyo ku aaddan natiijooyinka doorashada.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn ugu diyaargaroobay doorashada Isniinta berrito ka dhaceysa Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com