Xoogga Dalka oo weli guluf ciidan ka wada G/shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli Gobolka Shabellaha Dhexe ka wada gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ee ujeedkiisu yahay in looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Hawlgalkan oo toddobaadkii hore bilowday ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay inay ciidamadu la wareegeen deegaanada Gal Bashiir, War Dhagax, War Ciise, Gaal Leef, Qoordheere, Jilable iyo Cali Fooldheere.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay toboneeyo ka mida maleeshiyada Al Shabaab, oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Taliyaha ayaa hawlgalkan ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo dhulka ay ka maamulaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Si kastaba ha-ahaatee hawlgalkan ayaa ka duwan hawlgalada muddooyinkii ugu dambeysay laga fulinayay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com