Aadan Rufle “Shabaab waxa ay sheegaan xaqiiqo maaha, waxa ay qabtaana xaq maaha”

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa si adag u beeniyay sheegashada Al Shabaab ee ah inay weerar ku galeen Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Shabaabka ayaa barraha afkooda ku hadla ku sheegay in ay Ciidamada Dowladda ku weerareen nawaaxiga Degmada Buurdhuubo, deetana ay gudaha u galeen degmadaasi, dibna ay markii dambe uga soo baxeen.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay layaabeen warka Shabaabka ee ku aaddan inay gaareen Degmada Buurdhuubo, dibna u soo baneeyeen.

“Al Shabaab waxa ay sheegaan xaqiiqo maaha, waxa ay qabtaana xaq maaha. Warkaa markaan maqalnay waa la yaabnay, xaqiiqana maaha, waa been aan sal iyo raad lahayn. Ma jiro dagaal Buurdhuubo ka dhacay iyo guud ahaan Gobolka Gedo, dad wax noqdayna ma jiraan, waa amni Gobolka Gedo.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Aadan Rufle oo la hadlay Radio Shabelle ayaa xusay in Shabaabku weeraro ka gaysan karaan deegaanada ka fog-fog Buurdhuubo, balse aanay Gobolka Gedo ka jirin cudad ay maanta Shabaabka ku soo weerari karaan degmadaasi.

“Wiilal afka duubtay oo hawdka kore ah waa laga yaabaa in baabuur meel maraayo ay waxyeeleeyaan, laakiin Shabaab Buurdhuubo u soo bareeri karo ama imaan karo, kama jiro Gobolka Gedo iyo guud ahaan arlada ayada ah ee difaaca aan kaga jirno.” Ayuu yiri Korneyl Rufle.

Rufle ayaa yiri “Waxay doonaan bay sameeyaan nimanku, waxay doonaana waa sheegtaan, waxaanse is leeyahay waxay ka mid tahay waxyaabihiii ay ku faani jireen inay ka mid tahay.”

Waxa uu intaa ku daray “Marka waxba uma jirto inay been ka sheegaan meel aan waxba ka jirin waan tagnay inay yiraahdaan oo ka been sheegaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com