Madaxweyne Deni oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay Magaalada Muqdisho, oo uu kaga qaybgalay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, ee heshiiska looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Waxaan si nabadgelyo ah ku soo gaaray Garoowe, aniga oo ka imid Muqdisho.” Ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Qoraal kale oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho kaga qaybgalay shirkii arrimaha doorashada Somaliya ee lagu heshiiyay ayaa galabta ku soo laabtay Garoowe.”

Madaxweyne Deni ayaa tan iyo 21-kii bishan ku sugnaa Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com