Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda, iyadoona uu faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan maalmaha xorriyadda iyo midnimada.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga ee ku magacaaban wareegtada Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cismaan Abokar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale.
Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;
1- Durraan Axmed Faarax, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada
2- Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaandhigga
3- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda
4- Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka
5- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada
6- Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru Dowlaha Tamarta & Biyaha
7- Cumar Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho
8- Bashiir Axmed Cismaan, Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com