Ururka 7aad ee Gorgor oo dalka ku soo laabtay (SAWIRRO)

Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa galabta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii tababar gaara ay ku soo qaateen dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidamadan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Gaashaandhigga oo hadal u jeediyay Xoogaga Gorgor ayaa sheegay inay u soo tababarteen difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Wasiirka ayaa xusay in si aad ah looga baaraan-degay hannaanka qoridda ee Kumaandooska Gorgor, isla-markaana ay yihiin ciidan qaran oo loo carbiyay inay cadowga ka xoreeyaan dalka.

Wasiir Xaaji ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga ay waddo dib u habayn ballaaran oo lagu sameynayo Ciidamada Qaranka.

Dhanka kale General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Dowladda Federaalka ku ammaanay inay juhdi badani ku bixisay Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay dardar ku waday dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com