Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay liiska xubnaha ay cabashada ka yihiin ee ka midka ah Guddiga Doorashooyinka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno metelayay Midowga Musharaxiinta, oo kala ah Madaxweyneyaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo uu ka guddoomay liiska xubnahan.
Midowga Musharaxiinta ayaa horey uga horyimid xubnahan, iyagoona xilligaa dalbaday in la bedelo.
Inkastoo aan magacyada xubnahan lala wadaagin Warbaahinta ayaa waxaa dhanka kale ay Midowga Musharaxiinta sheegeen inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida, qaarkoodna ay yihiin shaqaale ka kala tirsan Xafiisyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood.








Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com