Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi ayaa ka hadlay hawlgalka ballaaran, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in tan iyo markii uu hawlgalku bilowday ay Shabaabka ka saareen saddex iyo toban deegaan oo gobolkaasi ay kaga sugnaayeen, isla-markaana ay kaga dileen tiro badan oo maleeshiyaad ah.
“Hawlgalku weli waa socdaa, waxaana ka qayb qaadanaya Guutada Gorgor, Guutooyinka 3aad & 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Hirshabelle.” Ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay BBC.

Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgalkan uu yahay mid maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Dhexe.
“Waxaan rabnaa in nimanka laga xoreeyo Gobolka Shabellaha Dhexe, haddii Ilaahay yiraahdo, waana ku daba joognaa.” Ayuu yiri Korneyl Cali Xaashi, Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka.
Waxa kaloo uu sheegay in hawlgalkan uu yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ee laga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo weecdeen dhanka Shabellaha Dhexe, haatana ay ku hawlan yihiin, sidii gobolkani looga saari lahaa.
Hawlgalkan oo ka duwan hawlgaladii hore ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com