Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo.

Kulankan oo uu shir guddoomnayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa lagu ansixiyay Golaha Wasiirada, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

51 Xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa waxaa haa ugu codeeyay 50 Xildhibaan, iyadoo 1 Xildhibaan uu ka aamusay, wax diidayna ma jirin.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoona sheegay in sidaasi uu golaha cusub ansax ku yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa 20-kii bishii May magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub, xilli muddo laba sano ku dhow laga dhowrayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com