Dowladda oo baareysa dhacdadii lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh Maxamuud

Wasiirka Cadaaladda Somaliya, Cabadiqaadir Maxamed Nuur ayaa shil ku tilmaamay dhacdadii maantata lagu rasaaseeyay gaadiidkii uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka xun yihiin is rasaaseynta ka dhacday agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamar, isla-markaana ay ka raali gelinayaan Madaxweynihii hore ee dalka.

Wasiirka Cadaaladda ayaa shir jaraa’id ka sheegay in la baarayo dhacdada ka gacan ka hadalka ee ka dhacday kontoroolka laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka barbar hadlayay Wasiirka ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay fal aan ku talagal ahayn, isla-markaana aan u wanaagsanayn ciidan isku hadaf ah.

Gaadiidkan uu la socday Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay Ciidanka Asluubta ku rasaaseeyeen agagaarka wadada horumarta Xabsiga Dhexe ee Xamar, halkaasoo ay bar kontorool ku leeyihiin.

Ma jirto cid wax ku noqotay dhacdadaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com