Faah faahin: Hawlgalka laga sameeyay xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee loo yaqaano Koofi Kasta ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada.

Hawlgalka oo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayay ciidamada ku baarayeen xaafadaha, iyagoona ku soo qabqabtay dhalinyaro badan.

Hawlgalka oo laga sameeyay aagga Jamaal Cabdinaasir, Daljirka Daahsoon, Fiyooraha, Ceelgaabta, Sayidka iyo kuwa kale ee ku dhow dhow ayaa dadka lagu soo qabqabtay waxaa ka mid ah Shaqaale Dowladeed.

Dadka hawlgalka lagu soo qabqabtay oo dhalinyaro u badan ayaa isku shaandhayn lagu sameeyay, iyadoona intooda badan dib loo sii daayay, halka intii kalena ay horey u kaxeysteen ciidamada.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaarkood hawlgalo ceynkani oo kala ah ka sameeya xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada, waana hawlgalo amniga lagu xaqiijiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com