Gaadiid uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

Gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta lagu rasaaseeyay agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamar, xilli uu halkaasi maraayay.

Ciidamada Asluubta oo bar kontorool ku leh wadada horumarta Xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen gaadiidkaai, waana xilli ay u socdeen dhanka Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Saraakiil ku dhow dhow Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xaqiijiyay inaanu jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaastaasi lagu furay gaadiidka uu la socday Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiishan ayaa laga soo xigtay inaanay garanayn ujeedada loo rasaaseeyay kolonyada uu watay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

13-kii bishii February ayay ahayd markii wadadan lagu rasaaseeyay gawaari ay la socdeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Odayaal kale oo Duubabka Dhaqanka ka mid ah.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin ka dib dhacdadaasi booqday hoyga Imaam Maxamed Yuusuf, isagoona u muujiyay sida uu kaga xun yahay dhacdadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com