Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay ansixinta Golaha Wasiirada cusub

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Golaha Wakiilada uga mahadceliyay tallaabada ay ku meelmariyeen Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan xukuumaddan, oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhallinyarada iyo maamul dadaajinta, isagoo xusay inay howlahaasi oo dhan iyo kuwo kalaba door wanaagsan ka qaadanayaan dardargeclinta shaqada ay tahay in xukuumaddu ay ku qabato mustaqbalka dhow, iyadoo kaashanaysa bulshada Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtan iyo hubin ay Wasaaraduhu ugu adeeggi doonaan shacabka ugu, sidii la rabayna ay noqonayso arrin mudnaan gaar ah leh, si loo gaaro himilooyinka shacabka reer Jubbaland ee dhismaha dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanadaba ku ammaanay, sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxadda leh ay Xukuumaddan cusub guda gasho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa 20-kii bishii May magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub, xilli muddo laba sano ku dhow laga dhowrayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com