Puntland oo Xukuumadda u soo gudbisay Guddiyada Doorashooyinka

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa magacaabay Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee Puntland ku meteli doono heer federaal.

Madaxweynaha Puntland ayaa Guddiyada oo sideed xubnood ka kooban u soo gudbiyay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Laba ka mida xubnahan waxaa weeye haween, sida ku cad liiska uu ku soo gudbiyay Madaxweyne Deni.

Magacyada xubnahan:-

  1. Cabdikariin Muuse Maxamuud
  2. Muuse Cabdiqaadir Ducaale
  3. Axmed Cabdi Maxamuud
  4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
  5. Caydaruus Axmed Faarax
  6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
  7. Farxiya Xuseen Maxamuud
  8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.comn