Madaxweynaha Dowladda Itoobiya, Sahle-Work Zewde ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoontay Danjiraha cusub Somaliya ee dalkaasi, Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).
Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka qaybgalay diblomaasiyiin ka tirsan Xarunta Safaaradda Somaliya ee Addis Ababa iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa horey u soo noqday Wasiirkii Cadaaladda ee Dowladdii Madaxwedyne Xasan Sheekh Maxamuud.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com