Maxkamadeynta shan nin oo Shabaabnimo ku eedeysan ayaa maanta ka bilaabatay Xarunta Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Raggan ayaa waxaa horey xukun dil ah ugu xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, tiiyoo ay rafcaan ka qaateen.
Waxay soo dhameysteen muddadi rafcaanka ee soddonka cisho, waxayna maanta Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland bilowday wejiga labaad ee kiiskan.
Natiijada maxkamadeynta ayaa noqon doonto in Maxkamadda Sare ay xukunkii hore burburiso oo mid cusub ay ku dhawaaqdo iyo inay xukunkii hore ku raacdo Maxkamadda Darajada 1aad.
Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in raggan lagu daba joogay muddo dheer, markii dambena ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com