Toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay bambo gacmeyd fiidnimadii xalay lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah, xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo.
Rag aan haybtooda la aqoonsan ayaa bambada ku weeraray Isgoyska Somali Star, xilli ay ka ag-dhawaayeen ciidamada amniga.
Dadka ku waxyeeloobay qaraxan ayaa qaarkood goobo ganacsi ku lahaa halkaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland, General Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa sheegay in qaraxaasi la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada amniga, balse ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.
Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli habeenadii ugu dambeeyay Magaalada Kismaayo ay ka socdeen hawlgalo amni xaqiijin ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com