Rooble “Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid wuxuu u geeriyooday difaaca dalka”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeeyay geerida Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax, Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor.

Taliyaha ayaa ku dhintay dagaal culus oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Allaha u naxariisto walaalkeen Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid oo maanta geeriyooday isagoo dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacaya cadow horror ah. Qoyskiisa iyo Qarankaba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, isagana jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar, iyagoo qoraal ku sheegay inay ku dileen 18 askari, oo 3 ka mida ay Saraakiil yihiin.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi ayaase sheegay inay dagaalkan ku dileen 70 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga Dalka gobolkaasi ka bilaabeen gulufka militari ee ka socda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com