Rooble oo ku wajahan Magaalada Jowhar

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magaaladaasi u tagaya u kuurgelidda xaaladda ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabelle iyo sidii ay Xukuumaddu wax kaga qaban laheyd.

Roobabkii gu’ga ee ka da’ay Gobolada Koonfurta ayaa horseeday inuu webiga ku fataho tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Jowhar, sidoo kalena waxay daadadka fatahaadda gooyeen labada waddo ee magaaladaasi laga galo.

In ka badan toddobo kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadda Webiga Shabelle, sida uu horaan sheegay Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Arbacadii shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com