Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa amar ku bixisay inaanan deegaanada Galmudug la soo gelin karin qaadka dhanka dhulka looga keeno dalkaasi Itoobiya, sababo ku aaddan ganacsatada oo aan u hoggaansamin awaamiirtii maamulka.
Deegaanada Galmudug ayaa muddooyinkii ugu dambeysay la keenayay qaadka Itoobiya, ka dib markii Dowladda Federaalka ay joojisay mirowgii Kenya. Ganacsatada ayaana diyaarado iyo gaadiidba ku keenayay magaalooyinka Galmudug.
Mukhtaar Cali Cismaan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa sheegay inaanu amarkan saamayn doonin ganacsatada qaadka ku keena diyaaradaha.

Wasiir Kuxigeenka ayaa ganacsatada dhulka ku soo geliya ku eedeeyay inay ka dhego adeegeen baaqyo xiriir ahaa oo ay u jeedinayeen, kuna aaddanaa inay isa soo diiwaangeliyaan, isla-markaana bixiyaan canshuuraha.
“Waa gaari xuduudkaasi ordaaya oo wuxuu sido aan la garanaynin, oo codsi iyo amar toona haddii lagu soo roggo aan midnaba u hoggaansameynin.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.
Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Wasaaraddu kuma aysan deg-degin arrinkaasi, in badan baanu ka fiirsanay, oo aanu waraaqo badan u dirnay.”
Waxa uu intaa ku daray “Anigeygaan kula hadlaya ayaa in badan isku dayay inaan la kulmo, haddee sharci jebintoodii u hoggaansami la’aantoodii daraadeed ayaa keentay mamnuuciddan iyo isaga oo dhibaateenaya qaadkii kale ee la canshuurayay.”
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Mukhtaar Cali Cismaan ayaa ku hanjabay inay Galmudug la wareegi doono, haddii ganacsatada ay dhanka dhulka qaad dambe ku soo geliyaan deegaanadeeda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com