Taliyahii Ururka 6aad ee Gorgor oo Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)

Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax iyo askar kale ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha iyo askarta kale ayaa ku dhintay dagaalka culus ee Khamiistii ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka qaybgalay aaska.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Allah uga baryay in Janadii Fardowso ka waraabiyo, isagoo sheegay inay u geeriyoodeen difaaca dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in ay shuhuddo yihiin askartaasi, haddii ay ku baxeen waddo sax ah.

Wasiirka ayaa xusay inaanu Qaranka Soomaaliyeed marnaba ilaabi doonin daljireyaasha u geeriyooday difaaca dalkooda, waxaana uu intaa ku daray inay dardargelin doonaan dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com