Gulufka militari ee Ciidanka Xoogga ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli guluf ciidan ka wada Gobolka Shabellaha Dhexe, kaasoo uu ujeedkiisu yahay in maleeshiyada Al Shabaab looga saaro dhulka ay ka jooggaan gobolkaasi.

Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa sheegay inay haatan xaqiijiyeen, oo ay la wareegeen deegaanada Jilible, Aqab-duco, Waraxley, Quracmadoobe iyo Deylabolo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Xaashi ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo maleeshiyada Shabaabka ka tirsan, tiro intaasi ka badana ay kaga dhaawaceen.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa xusay in deegaanada laga saaray Shabaabka ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan hawlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo Jimcihii Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay aas qaran oo loogu sameeyay askar uu ka mid ahaa Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax ayaa sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Hawlgalka sida dardarta leh uga socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa horkacaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com