HSF oo xaflad dhiirigelin u sameysay arday ka qalin jebisay Dugsiga Sare

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa xaflad dhiirigelin ah u sameysay arday ka qalin jabisay Dugsiyada Sare ee dalka, oo kharashaadkii waxbarashada ay ka taageeri jirtay.

Ardaydan oo 28 ah ayaa ka mid ah 100 arday oo Hormuud Salaam Foundation ka taageerto kharashaadka Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sare, 15 ka mid ahna waxaa weeye gabdho.

Xafladda lagu dhiirigelinayay ardaydan oo gacanta ay ku hayso Jamciyadda Soheda ayaa waxaa ka qaybgalay madax ka tirsan HSF, Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale, waalidiin, abwaano iyo ardaydii xafladda loo qabtayba.

Ugu horreyn ayaa waxaa munaasabadda ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Kobac) oo ku dhiirigeliyay ardayda inay sii wadaan waxbarashada oo muhimad gaar ah u leh bulshada iyo waalidiintii ku soo dadaalay, iyadoo Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay mar walba garab taagantahay.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay Gudoomiyaha Jamciyadda Soheda, Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale, isagooo aad uga mahadceliyay HSF iyo Maamulka Shirkadda Hormuud taageeradooda ku aaddan ardayda Soomaaliyeed.

Abwaano iyo waalidiinta qaarkood oo goobta ka hadlay waxay ka mahadceliyeen doorka ay HSF ku leedahay barbaarinta ardayda iyo dhismaha mustaqbalkooduba.

Hormuud Telecom oo ah shirkadda isgaarsiinteed ee dalka ugu weyn ayaa gacan ka gaysata barnaamijyo markaasi wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com