Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Degmada Heliwaa

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ahayd weeraray Booliska sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee ilaaliya amniga dhismaha ka socda wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Shabaabka ayaa baasuukayaal ku weeraray barta kontorool ee laga ilaaliyo dhismaha wadada, oo ku taala Isgoyska Ex Control Balcad ee Degmada Heliwaa.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday, Shabaabkii weerarka soo qaadayna lagu khasbay inay dib u gurtaan.

War ka soo baxay Taliska Haramcad ayaa lagu sheegay inay ciidamada iska caabiyeen maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, lamana soo sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka.

Ciidamada Haramcad ayaa loo diyaariyay inay ka hortaggaan weerarada Shabaabku ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhismaha wadadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com