Booliska Somaliya oo gacanta ku dhigay Macalinkii dilka ka gaystay Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Macalin Bashiir Cabdi Xasan, oo ku eedeysan dil la sheegay inuu Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ugu gaystay xaaskiisii.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa hadda gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horey xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir 4-tii June, 2021.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo hadalkan ku sheegay war uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa dib ka saxay magaca eedeysanaha oo Sabtidii shalay uu ku sheegay Bashiir Cali Jaamac, isagoo intaa ku daray in sharciga la horkeeni doono.

“Eedeysanaha oo aan horey u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac, laakiin aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, wuxuu wajihi doonnaa Cadaaladda, haddii alle idmo.” Ayuu yiri Doodisho.

Eedeysanaha ayaa macalin ka ahaa mid ka mida iskuulada Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com