Cabdullaahi Xayir oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta u magacaabay Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Cabdinaasir Xasan Xuseen u magacaabay inuu noqdo Agaasime Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabiddan ku sameeyay wareegto maanta ka soo baxday xafiiskiisa.

Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa horey u soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com