Dadkii ku dhaawacmay duqayntii Ceelcadde oo Muqdisho la keenay

Dhowr carruur ah oo ku dhaawacantay duqayntii Khamiistii ka dhacday deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho.

Dhibaneyaasha ayaa iminka xaaladooda lagula tacaalaya Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqayntan ka gaystay deegaanka Ceelcadde ayaa waxaa ku dhimatay hooyadii qoyska, halka ay ku dhaawacmeen dhowr carruura oo ay dhashay.

Ciidanka Cirka Kenya ayaa marar badan duqaymo ka gaystay Ceelcadde oo 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dowladda Somaliya ayaa habeenkii Jimcaha si kulul u cambaareysay duqaynta dadka rayidka ku waxyeeloobeen ee Militariga Kenya ka gaysteen deegaankaasi.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa Sabtidii sheegay inay baarayaan dhacdadan, wixii ka soo baxana ay la wadaagi doonaan dhinacyada ay khuseyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com