Maxay yihiin xubnaha laga saaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleedba.

Xubnahan ayaa ka mid ah 67 xubnood oo Midowga Musharaxiinta ay u soo gudbiyeen Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida iyo Shaqaalah Rayidka ee Xafiisyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood, sidaasi daraadeedna aanay dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa sheegay in baaritaan ka dib ay kala direen 34 kaasi xubnood, ayna u kala direen Dowlad Goboleedyadii soo magacaabay iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Guddigu waxay kaloo sheegeen in 48 saac gudahood ay ku soo magacaabi doonaan xubnihii bedeli lahaa 34 qof ee laga saaray Guddiga Doorashooyinka.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa 30-kii bishii hore ee May magacaabay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ka kooban afar xubnood oo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ka tirsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com