Booliska Israel oo xorriyadeeda siiyay gabadhi reer Falastiin, Muna el-Kurd

Booliska Israel ayaa xalay xabsiga ka sii daayay Muna el-Kurd iyo walaalkeed Mohammed el-Kurd, ka dib dhowr saacadood oo su’aalo la weydiinayay.

Ciidamada Israel ayaa Axaddii Bariga Magaalada Qudus ku xiray Muna el-Kurd, oo ah gabar Falastiini oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada.

Gabadhan ayaa door muhiima ku laheyd bannaanbaxyadii bishii May ay Falastiiniyiinta kaga horyimaadeen in xoog guryahooda looga saaro qoysaskii Falastiiniyiinta ee deganaa xaafadda Sheikh Jarrah ee Bariga Qudus.

Muuqaal barraha bulshada lagu soo baahiyay ayaa muujinaya Ciidamada Israel oo gurigeeda ka soo dhex xiraya Muna, iyagoona ku kaxeystay mid ka mida kolonyadii ay wateen.

Afhayeen u hadlay Booliska Israel ayaa sheegay in gabadha 23 jirka ah ay kaga shakisan yihiin inay qayb ka ahayd bannaanbaxyo iyo dagaaladii dhawaan dhacay.

Walaalkeed Mohammed el-Kurd ayaa looga yeeray saldhig boolis, si loo weydiiyo su’aalo.

Muna iyo Mohammed ayaa noqday dhalintii ugu da’da yaraa ee indhaha caalamka ku soo jeediyay cabashooyinkii Falastiiniyiinta, ee la xiriiray sida khasabka ay Israel guryahoodii uga saartay qoysaskii Falastiyiinta ee deganaa xaafadda Sheikh Jarrah.

Xaafadda Sheikh Jarrah ayaa xudun u noqotay dagaalkii kow iyo tobanka maalmood socday ee bishii hore dhex maray Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com