Wasiirka Difaaca oo ka hadlay hawlgalka ka socda Shabellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay gulufka militari ee Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hawlgalka ka socdo gobolkaasi uu yahay mid si weyn loo qorsheeyay, isagoo intaa ku daray in goobo badan loogala wareegay maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa iftiimiyay inaanu hawlgalku ku koobneen gobolkaasi oo keliya, ayna jiraan goobo kale oo la qorsheeyay in laga sameeyo.

“Hawlgalkan waa hawlgal si fiican loo qorsheeyay, cadowgana meelo badan laga qabsaday, dhibaato weyna loo gaystay, waan aaminsanahay cadowgan dalkeena iyo ummadeena inuu dhibaato weyn ku hayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Shabellaha Dhexe oo keliya maahee meelo kaloo badan oo qorsheysan ayaa jira oo cadowga in looga hortaggo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamada uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa uu horkacayo guulihii ay meesha ka keeneen iyo dadaalkii ay geliyeen waan ugu hambalyeynayaa, waana uga mahadcelinayaa, waana waajib saarnaa oo inay qabtaan loo baahan yahay.”

Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya ayaa Taliye-yaasha kale ee Ciidamada Dowladda ugu baaqay inay ka qayb qaataan hawlgalada.

“Taliye-yaasha kale waxaan ku boorinayaa inay ayaguna sidaas oo kale ay hawlgaladaas ka qayb qaataan, si dalkeena uu xor uga noqdo cadow kasta oo gacanta ku hayo, oo ay ka mid yihiin nimanka nabadiidka.” Ayuu yiri Wasiir Xaaji.

Wasiir Xaaji ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab joogsadaan ciidamada, si ay amni ugu noollaadaan dalkooda.

“Ummadda Soomaaliyeed-na waxaan u sheegayaa inay garab istaagaan ciidankooda, meel kastoo ay jooggaan, si dalkooda ay ammaan ugu noollaadaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Hawlgalkan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Guutooyinka 3aad & 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor iyo Booliska Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com