Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Shabellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gelinkii dambe ee Isniintii hawlgal gaar ahi ka fuliyay tuulo hoos-tagta Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka laga fuliyay tuulada Cali Fuutow, laguna burburiyay gaari ay Shabaabku ku diyaarinayeen walxaha qarxa.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qaas ah ka fuliyay tuulada Cali Fuutow oo ka tirsan Degmada Kunturwaarey. Hawlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyay gaari ay ku diyaarinayeen argagixisadu waxyaabaha qarxa, oo ay rabeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

3-dii bishii May ayay ahayd markii Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ay burburiyeen gaari walxaha qarxa lagu diyaariyay, deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com