Cumar Filish oo kormeeray Xeebta Suganta Liido (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray Xeebta Suganta Liido ee Degmada Shangaani.

Kormeerka Gudoomiyaha ee Suganta Liido ayaa la xiriiray, sidii wax looga qaban lahaa qashinta ay dadku ku shubaan xeebtaasi, loona hagaajin lahaa bilicdeeda.

“Xeebta Suganta Liido waxay ka mid tahay goobaha bilicda wanaagsan, uguna wax soosaarka badan xagga khayraadka badda dalka Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa nasiib-darro ah meeshaas oo ay ahayd inay nadiif noqoto, bilic leedahay, quruxdeeda iyo wax soosaarkeeda aan ku faano ay noqotay meel qashinka lagu shubo. Qashin qub ayay noqotay, sida aad ka arki kartiin.”

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Meeshii aad ku faani laheyd, wejigaga iyo bilicdaada muujin laheyd, haddii aad ka dhigato god ama goob qashinka lagu shubo waxay ka dhigan tahay meeshii kuugu fiicneyd inay tahayba qashin, meel fiicanba inaadan laheyn oo meel walbaba ay tahay qashin.”

Waxa kaloo uu yiri “Sidaa darteed bulshada waxaan ka codsanaynaa inay nala fahmaan, dhismaha iyo bilic dhiska Magaalada Muqdisho, goobaha taariikhiga ah, goobaha bilicda, goobaha dalxiiskana ay nala dhowraan nadaafadooda iyo bilicdooda.”

Cumar Filish ayaa intaa ku daray inay qashinka ka qaadi doonaan Xeebta Suganta Liido, si ay bilicdeedii u soo celiyaan, balse ay bulshada kaga fadhiyaan inaanay qashin dambe ku soo shubin xeebtaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com