Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Xeebta Jaziira (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow bar kontorool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin goobta laga galo Xeebta Jaziira, oo ay u damaashaad taggaan dadka reer Muqdisho.

Xuseen Jilicow Aadan, Gudoomiyaha deegaanka Jaziira ayaa sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxaasi, ka dib markii sida uu sheegay lagu qariyay goob ku dhow halka ay kontoroolka ku leeyihiin ciidamada amniga.

“Saakay shantii saac goob ay ciidamada ka ilaaliyaan amniga deegaanka oo ku yaala Baqal iyo Xawaalow ayaa waxaa lagu qarxiyay miino oo la geliyay dhulka. Hal askari ayaa nooga shahiiday, wax dhaawac ahna ma jiraan, Ilaahay ha u naxariisto askariga dhintay, isaga oo gudanaya difaaca dalkiisa ayuu dhintay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay laba qof u soo qabteen qaraxaasi, ka dib hawlgalo amni xaqiijin ah oo deegaanka ay ka sameeyeen.

Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in labadaasi qof uu ku socdo baaritaan dheeri ah, isagoo intaa ku daray inaanay niyad jebin doonin dhagarta kooxaha nabadiidka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com