Sacuudiga oo dib u furanaya Safaaradiisii Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Aqalka Villa Somalia ku qaabilay wafdigan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen, sidii uu Sacuudiga dib ugu furan lahaa Safaaradiisii dalka.

“Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo dib u furista Safaaradda Sacuudiga ee Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com