Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Gobolka Tigray, ka dib colaadda toddobada bilood jirsatay.
Xoghayaha ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto cunto yaraan baahsan, isagoona ku baaqay in la fududeeyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah, isla-markaana la kordhiyo lacagaha la yaboohayo.

Xoghayaha ayaa ku waramaya inay xaaladda ka sii dari doonto, haddii buu yiri aan dhaqaale loo helin, isla-markaana aan la helin marin gargaarka lagu gaarsiin karo dadka.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay caqabad ku noqotay, sidii gargaarka bani’adanimo loo gayn lahaa gobolka dhaca waqooyiga dalkaasi, inkastoo ay eedeymahaasi iska fogeysay.
Masuuliyiinta Dowladda ayaa sheegaya inay gobolka ku soo dabaalayaan xasilloonidii ka jirtay, lana ballaarin doono qorsheyaasha ay tahay in gargaarka lagu gaarsiiyo kuwa u baahan.
Hadalka Antonio Guterres ayaa imaanaya, xilli dadka ku nool Galbeedka Gobolka Tigray ay sheegeen inay qarka u saaran yihiin in ay gaajo u dhintaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com