Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ballanqaaday hoggaaminta geeddi-socod doorasho oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo ayaa maanta magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisal Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May.
Kooxdan ayaa xiriirin doonta Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.
Dhanka kale kooxdan oo ka kooban lix xubnood oo laba ka mida ay haween yihiin ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, oo ay diiradda ku saareen arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’iisal Wasaare Rooble, si uu habsami ugu fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.
Guddigan ayaa waxay Ra’iisal Wasaaraha ka taageeri doonaan:-
1- In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.
2- Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo
3- In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.
4- Xiriirinta XR, Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Beesha Caalamka.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com