Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay shaqada Guddiga Xaqiijinta

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay shaqada Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay.

Guddiga ayaa Axaddii ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleedba.

Xubnahan ayaa ka mid ah 67 xubnood oo Midowga Musharaxiinta ay u soo gudbiyeen Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida iyo Shaqaalah Rayidka ee Xafiisyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood, sidaasi daraadeedna aanay dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha doorashooyinka ee dalka, iyagoona soo jeediyay in la bedelo.

Akhriso warka Midowga Musharaxiinta:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com