Sarkaal Shabaab ah oo lagu qabtay Gobolka Shabellaha Dhexe

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib hawlgal laga sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Maamulka Hirshabelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa qoraal ku sheegay in hawlgalkan, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Hirshabelle laga sameeyay deegaanada War Ciise, Aqab-duco iyo Qurac Madoobe

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliska Hirshabelle oo is kaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay Horjooge sare oo ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed (UGUS), ka dib hawlgalo ay ka sameeyeen deegaanada War Ciise, Aqab-duco, Qurac Madoobe iyo deegaanada ku xeeran.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka soconayo hawlgal la sheegay in Shabaabka looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa hoggaaminaya gulufka militari ee ka socda gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com