Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Deynuunaay

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay, oo 30km u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Sabaab ay dhowr jiho ka weerareen xerada Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaankaasi.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayay Shabaabku sheegteen inay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta xeradaasi militari.

Ciidan gurmad ahaa oo ka baxay Magaalada Baydhabo ayaa loo galay jidka Baydhabo iyo Deynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay qaraxyo uu iska horimaad daba socday.

Intii uu dagaalku socday ayaa hawada laga saaray isgaarsiinta Magaalada Baydhabo, sababo aan la sheegin, inkastoo saacado ka dib ay dib u soo laabatay.

Inta laga warqabo saddex askari ayaa dagaalka ku dhintay, sideed iyo toban kalena way ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Isbitaalka Baydhabo, dhaawacyada askarta ayaana la keenay Isbitaalka Baydhabo.

Ma cadda khasaaraha dagaalka ka soo gaaray maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dhowrkii biloodba mar weerarayay xerada Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Deynuunaay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com