Dowladda Somaliya oo beenisay warbixintii Qaramada Midoobey

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa si adag u beeniyay warbixintii Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, ee sheegeysay in ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta Qaramada Midoobey aan lagu saleyn wax daliil ah, marka laga soo taggo sida uu sheegay in siyaasiyiin dano gaar ahi ka raadinaya ay arrintaas buun-buuniyaan.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u joogga dalkaasi Eritrea aanay ka qaybgelin dagaalka Gobolka Tigray, isla-markaana aysan jirin baahi arrintaasi loo qabo.

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta ka hadla arrinta ciidanka lagu tababarayo Eritrea in aanay soo hadal qaadin dhibaatada Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Jubbooyinka.

Shalay ayay ahayd, markii Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in la iibsaday dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Hadalka Wasiir Dubbe ayaa ku soo aadaya saacado yar uun ka dib, markii waalidiinta ubadkooda ka maqan yihiin ay maanta bannaanbax cabasho ah ka dhigeen Caasimadda Muqdisho.

Waalidiintan ayaa waxay dalbanayaan in dib loogu soo celiyo ubadkooda, haddii ay Dowladda Federaalka ka gaabisay inay xaaladooda la socodsiiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com