Kenya oo fasaxday duulimaadyadii Somaliya

Dowladda Kenya ayaa fasaxday duulimaadyadii Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ka dib markii ay joojisay bishii hore ee May.

Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya u soo dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa lagu sheegay inay Kenya dib u fasaxday duulimaadyadii labada dal.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Kenya ay go’aankan gaartay, ka dib markii ay xiriir wada sameeyeen labada dhinac.

Kenya ayaa sheegeysa dib u soo celinta duulimaadyada labada dal in uu wax ka tari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Xukuumadda Nairobi ayaa mid muhiima u aragta in labada dhinac ay haatan ka wada shaqeeyaan dadaalada lagu xakameynayo xanuunka COVID-19, iyadoona dadka ka soo safraya Somaliya laga dalbaday inay horey u soo qaataan warqadda caafimaad, ee ah inay iska baareen COVID-19.

Dalka Kenya ayaa waxaa kordhaya kiisaska maalinlaha ah ee dalkaasi laga diiwaangeliyo, iyadoona dowladdu ka digtay mowjad 4aad oo xanuunkaasi ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com