Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin faah faahsan ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan, ee ay ka qabteen xal u helista tabashooyinka maangalka ah ee laga soo gudbiyay Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka qaarkood.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa adkeeyay ballanqaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi-socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka ahna Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare, Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kulanka ka dib soo bandhigay tallaabooyinka loo qaaday qabsoomidda doorashada ayaa ku ammaanay Dowlad-Goboleedyada soo gudbiyay xubnaha lagu beddelay xubnihii hore, kana codsaday ciddii ay ku dhiman yihiin xubnaha haray in ay deg deg u soo magacaabaan.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com